Magaalada Muqdisho ayaa Maanta waxaa kulan ku yeeshay Xildhibaano ka tirsan labada Golle ee Baarlamaanka Soomaaliya,iyaga kulankooda uga hadlay xaalada dalka uu marayo iyo arrimo kale.
Kulanka ayaa intii uu socday Xildhibaanada aad ugu  falanqeeyeen xaalada haatan dalka uu marayo iyo dhacdooyinkii ku xadgudubka Dastuurka,igadoo eedeeymo kala duwan u jeediyay Madaxda dowladda Soomaaliya ugu sarreysa.
War-saxaafadeed laga soo saaray kulanka Xildhibaanada ayaa waxaa lagu sheegay in Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo dayacay mas’uuliyaddii waajibaadkii masiiriga ahaa ee loo doortay, sida Ilaalinta Dastuurka iyo shuruucda dalka.
Sidoo kale Xildhibaanada soo hadal qaaday qaar ka mid ah qodobada dastuurka oo ay ku eedeeyeen in Madaxda dowladdu ay baalmareen, taasoo ay ku tilmaameen khiyaano Qaran.
Ugu dambeyntii War-saxaafadeedka ka soo baxay Xildhibaanada ayaa waxay ugu  baaqeen dowladda Federaalka in si shuruud la’aan xayiraada looga qaado Jubbaland iyo in loo saaro guddi baaritaan ku sameeya waxyeelada bani’aadanimo ee ka dhalatay cunaqabateyn la saaray reer Jubbaland.
Hoos ka Akhriso War-saxaafadeedka ay soo saareen Xildhibaanada.