Xildhibaano ka tirsan labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ee muddo xileedkoodu dhammaaday ayaa hoygiisa ku booqday Madaxweynihii hore ee dalka Xasan Sheekh Maxamuud.
Xildhibaanada iyo Xasan Sheekh ayaa iska xog-wareystay xaaladihii ugu dambeeyay ee Mgaalada Muqdisho iyo dagaaladii dhexmaray Ciidanka dowladda iyo kuwa Milateriga dowladda ee kasoo horjeeda muddo kororsiga Farmaajo.
Xildhibaanada la kulmay Madaxweynihii hore ee dalka ayaa sheegay inay aad uga xun yihiin weerar ay sheegeen in Ciidamo ka amar qaata Madaxweyne Farmaajo kusoo qaadeen hoyga Xasan Sheekh uu ka degan yahay agagaarka Isgoyska Mirinaayo.
Sidoo kale Xildhibaanada ayaa tilmaamay inay garan taagan yihiin Xasan Sheekh Maxamuud, isla markaana wax la aqbali karo aysan aheyn in weerar lagu qaado Madaxweyne horey dalka xilka uga soo qabtay.
Madaxweynihii hore ee dalka ayaa maalin kahor sheegay inay weerar kusoo qaadeen hoygiisa Ciidamo ka tirsan dowladda, wallow Wasiirka amniga Xukuuadda xilgaarsiinta Xasan Xundubey Jimcaale uu sheegay in aan weerar lagu qaadin Xasan Sheekh.