Magaalada Dhuusamareeb ayaa Maanta waxaa Shir ku yeeshay Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Galmudug ee Waqtigoodu dhammaaday, isla markaana taageersan Madaxa Xukuumadda Galmudug.
114 Xildhibaan ayaa kasoo qeyb gashay kulanka, iyagoona ku ansixiyay Guddigii dhawaan Sheekh Shaakir u magacaabay Arrimaha Doorashada iyo xalinta Khilaafaadka Galmudug, kuwaasi oo ka kooban 11-xubnood.
Sidoo kale Guddigan ayaa waxaa kalsoonida siiyay 110 xildhibaan, halka ay Saddex Xildhibaan ay diideen, waxaana ka aamusay 1 xildhibaan, iyagoona xusay in sidaas lagu ansixyay Guddiga Sheekh Shaakir.
Guddiga ayaa waxaa ay sheegeen inay bilaabi doonaan soo xulista Xildhibaanada Cusub ee Baarlamaanka dowlad Goboleedka Galmudug, isla markaana ay shaqadooda u gudan doonaan si wanaagsan.
Dhinaca kale Magaalada Dhuusamareeb ayaa ku sugan Guddiga farsamada maamul dhisida Galmudug oo ay Magacaawday dowladda Federaalka Soomaaliya, iyagoona shalay halkaas ku doortay Guddoomiye iyo Guddoomiye ku-xigeen, sidoo kalena balan qaaday inay si cadaalad ah ugu shaqeyn doonaan shacabka Galmudug.