Xildhibaano ka tirsan Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya oo ayaa ka hadlay Xildhibaanada Cusub ee Baarlamaanka labaad ee dowlad Goboleedka Hirshabeelle oo xalay lagu dhawaaqay.
Xildhibaan Cabduqaadir Carabow Ibraahim oo Qoraal soo saaray ayaa waxaa hambalyo iyo boggaadin ugu diray Xildhibaanada Cusub ee Baarlamaanka labaad ee Hirshabeelle, waxaana ku dhawaaqitsta Xildhibaanada uu ku tilmaamay mid aas- aas u ah dhismaha maamul loo dhan yahay.
Sidoo kale Xildhibaan Caraboow oo ka tirsan Golaha Shacabka Baarlamaanka ayaa Xildhibaanada Baarlamaanka Hirshabeelle u rajeeyay in Alle la garab galo Mas’uuliyada Culus ee loo idmaday.
“Waxaan hambalyo u dirayaa Barlamaanka 2aad ee Dowlad Goboleedka Hirshabeelle oo aas- aas u ah dhismaha maamul loo dhan yahay oo u adeega shacabka, Waxaan u rajaynayaa in rabi la garab galo masuuliyadda culus ee dadka reer Hirshabeelle ay u dhiibteen, taas oo ah ammaano culus oo ilaalin iyo ku adeegid mudan†ayuu yiri Xildhibaan Carabow.
Dhinaca kale Xildhibaan Maxamuud Abuukaato ayaa isna u hambalyeeyay Xildhibaanada Hirshabeelle, isla markaana Alle uga baryay Mudanayaashas in xilka loo dhiibay u fududeeyo. “Waxaa idin horyaalo shaqooyin adag oo muhiim u ah geedi socodka hirshabeellada cusub waxaan idinka fileenaa inaad soo saaridoontaan musuuliyiin Tayo leh samatabixinkarana dadka reer hirshabeele†ayuu yiri Xildhibaan Abuukaato.
Guddiga Farsamada ee Hirshabeelle ayaa xalay Magaalada Jowhar kaga dhawaaqay Liiska Xildhibaanada Cusub ee Baarlamaanka labaad ee dowlad Goboleedka Hirshabelle, kuwaasi oo ka kooban 90 Xildhibaan.