Magaalada Muqdisho ayaa Maanta waxaa kulan ku yeeshay Xildhibaano ka tirsan labada Golle ee Baarlamaanka Soomaaliya iyo qaar kamid ah Golaha Wasiirada Xukuumadda ,iyadoo kulanka looga hadlay xalaad abaareed ee soo wajahday qoysaska ku nool deegaanada Gobolka Gedo.
Wasiirada iyo Xildhibaanada oo deegaan doorashadoodu tahay Jubbaland oo warbaahinta la hadlay ayaa waxaa ay sheegeen in shacabka Gobolka Gedo ay isugu darsoontay abaar iyo Barakac, iyagoo ka caraya duqeymaha Ciidanka Kenya.
Sidoo kale Mas’uuliyiinta ayaa dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Hay’adaha Samafalka waxaa ay ugu baadeen inay gurmad kala duwan ay gaarsiiyaan Qoysaskaas oo xalaad Bani’aadanimo ay heysato.
Wasiirka ku-xigeenka Wasaaradda Batroolka iyo Macdanta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Cabduqaadir Hilaal ayaa waxaa uu hay’addaha iyo Madax Sare ee dowladda ugu baaqay inay gurmad deg deg ah la gaarsiiyo Gobolka Gedo oo qeybo dhaanta ugu badan ka timid.
Gobolada Gedo iyo Jubbada Hoose ayaa waxaa ka taagan xaalad abaareed,taasi oo saameyn badan ku yeelatay dadka shacabka iyo qoysaska xoolo dhaqtada ah ee halkaas kunool,waxaana xusid mudan iyo dadkaas ay ka barakaceen duqeymaha Ciidanka Kenya ay mararka qaar halkaas ka fuliyaan.