Magaalada Baydhabo ee Xarunta Gobolka Baay ayaa Maanta oo khamiis ah waxaa ka dhacday doorashada lix kursi oo kamid ah kuraasta Golaha Shacabka Baarlamaanka 11-aad ee dowladda, kuwaasi oo deegaan doorashadoodu tahay Koonfur Galbeed.
Doorashada kursiga tirsigiisu yahay Hop-253 ayaa waxaa ku tartamay laba Musharax oo kala ahaa Aadan Maxamed Cali iyo Cabduqaadir Ibraahim Buule, waxaana doorashada kusoo baxay Aadan Maxamed oo helay 70-cod, halka Musharaxii la tartamayey Cabduqaadir Ibraahim isna uu helay 21-cod, hal Codna wuu halaabay.
Cabdullaahi Maxamed Cali ayaa ku guuleystay kursiga tirsigiisa uu yahay Hop-178 ee Golaha Shacabka Baarlamaanka 11-aad, isagoo heley codad gaaraya 70-cod halka Musharaxii la tartamayey Bile Xasan Cabdi uu isna helay 25-cod. 2 Codna ayaa halaawday
Kursiga Hop-050 ayaa waxaa kusoo baxay Axmed Shekh Maxamed (Mashruuc), isla markaana waxaa kula tartamay kursiga Musharax Maxamed Ibraahim, Axmed Shekh ayaa helay codad gaaraya 80-cod, halka Musharaxii la tartamayey Maxamed Ibraahim Aadan uu isna helay 14-cod, 3-cod ayaana halaabay.
Doorashada kursiga Hop-230 ayaa waxaa ku tartamay Musharaxiinta kala ah Jaamac Taqal Cabaas iyo Cabdi Cali Cumar, waxaana doorashada kusoo baxay Jaamac Taqal oo helay 77-cod, halka Musharaxii la tartamayey uu isna helay 23-cod.
Muqtaar Maxamed Guuleed ayaa ku guuleystay kursiga tirsigiisa uu yahay Hop- 183 ee xubinnimada Golaha Shacabka, isagoo heley codad gaaraya 83-cod halka musharaxii la tartamayey Xuseen Cali Aadan uu isna 16-cod, waxaana halaabay 1 Cod.
Doorashada kursiga ugu dambeeyay ee doorashadiisa ka dhacday Baydhabo ee tirsigiisu yahay Hop-275 ayaa waxaa ku tartamay Ismaciil Iidow Maxamed iyo Cabdisitaar Xasan Cali, isla markaana waxaa doorashada ku guuleystay Ismaciil Iidow oo helay 71-cod, halka Cabdisitaar Xasan uu helay 16-cod, 3 Codna waa halaawday.