425-ka  Xildhibaan ee ka tirsan Barlamaanka dalkaasi ayaa dalbaday in la siiyo 2,700 Ilaalo Khaas ah oo  iyaga ilaaliya, xilli Xildhibaanadda isbuucii hore loo qeybiyey Gaadiidka aysan Xabbaduhu ka dusi karin ee loo yaqaano Bullet-proof escort cars.
Madaxweyne Museveni ayaa sheegay in lo obaahan yahay in la sugo Ammaanka Xildhibaanadda, si looga badbaadiyo weeraro kaga yimaada Argagixisadda.
Madaxweynuhu waxa kale oo uu amray in Ilaaladda Xildhibaanadda loo iibiyo Jaakadaha aysan xabbaduhu ka dusi karin oo midiiba qiimaheedu yahay ugu yaraan 640 Dollar iyo koofiyado midiiba lagu iibiyo 300 oo Dollar.
Dhinaca kale, dhowr ka mid ah Xildhibaanadda Uganada ayaa ka hor yimid qorshaha Ilaaladda badan loogu samaynayo, iyagoo sheegay inay ka xun yihiin in Canshuurtii dadka Uganda laga qaaday loo adeegsado Ilaalin Shaqsiyadeed.