Iyadoo ay dhawaan Boliska Kenya sheegeen inay gacanta ku dhigeen Nin ka tirsan shaqaalaha Aqalka Senedka oo ku eedeysan inuu qaraxyo ka geysan lahaa dhismaha Barlamaanka ee magaalladda Nairobi ayaa waxaa soo baxayo warar Soomaalida Kenya ku xiriirinayo falalka Argagixisadda.
Dr. Booni Khalwale oo ah Xildhibaan laga soo doortay Kakamega ayaa sheegay in inta badan shaqaalaha dhallinyaradda ee uu qoray Guddiga Adeegga Barlamaanka (PSC) yihiin kuwo ka soo jeeda Mujtamaca Soomaalida-Kenya.
Mudanayaasha Soomaalida iyo kuwa Muslimiinta ee ka tirsan Barlamaanka Kenya ayaa si kulul u caambaareyeey Eedeymahaasi, kuna tilmaamay mid lagu ifinayo war qaldan.
Senataradda Abdirahman Hassan, Billow Keerow iyo Yuusuf Hagi oo laga soo doortay Gobalka W/bari ee Kenya ayaa sheegay inay jirin wax xiriir ah oo ka dhexeeya dadka Barlamaanka shaqada laga siiyo iyo falalka Argagixisadda ee ka dhaca dalka Kenya.
Wax ka codsadeen Xildhibaanka eedeymaha soo jeediyey ee Dr. Booni Khalwale inuu soo bandhigo Liiska shaqaalah Soomaalida ee ka shaqeeya Barlamaanka, ama uu cuddur-daar ka bixiyo Eedeymahiisa.