Xildhibaanada Golaha Wakiilada Somaliland ayaa Maanta oo Axad ah waxaa lagu wadaa in kulan aan caadi aheyn ku yeeshaan Xaruntooda kulamada ee Magaalada Hargeysa ee Caassimadda maamulkaas.
Ajendaha kulankaas Golaha Wakiilada ayaa waxaa uu yahay Ansixintia labada xubnood ee Guddida doorashooyinka ee xisbiyadda Mucaaradka Somaliland ee UCID iyo Waddani, kuwaasi oo horey loo diiday ansixintooda.
Wariyeyaal ku sugan Magaalada Hargeysa ayaa soo sheegaya in kulanka Golaha Wakiilada Somaliland uu si rasmi ah u furmi doono saacadaha soo socda, iyadoo Xarunta kulamada Golaha uu ka sodo diyaar garoow.
Golaha Wakiilada Somaliland ayaa 28-kii bishii Maarso 2020 waxaa ay diideen ansixinta xubnaha ay Xisbiyada Wadanni iyo UCID u soo magacaabeen Doorashooyinka Somaliland, iyagoo xiligaas waayay Codkii ay ku ansixi lahaayeen Golaha.