Xildhibaanada labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa Maanta oo Arbaco ah mar kale kulan wadajir ah ku yeeshay Xarunta Villa Hargeysa ee Magaalada Muqdisho.
Xildhibaanada labada Aqal ee Golaha Shacabka iyo Aqalka Sare ayaa kulanka loogu qeybiyay sharciga doorashooyinka heer federaal oo dhawaan diyaarintiisa lasoo gabo gabeeyay.
Xukuumadda Soomaaliya ayaa kal hore soo gudbiyay sharcigan, hayeeshee waxaa loo xilsaaray xubno ka tirsan Golaha Shacabka, kuwaasi oo dib u eegis iyo wax kabal ku sameeyay sharcigan maanta loo qeybiyay Xildhibaanada labada Aqal.
Sidoo kale Xildhibaanada ayaa sharcigan soo Akhrisan doona muddo labo cesho ah, iyagoona dood dheer ka yeelanaya Ansixinta sharcigaas.
Kulankii Maanta wadajirka ayaa waxaa Shir Guddoomiyay Guddoomiyeyaasha Golaha Shacabka Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan iyo Cabdi Xaashi Cabdullaahi, waana kulankii labaad oo si wadajir ah ay u yeeshaan Xildhibaanada labada Aqal ee dalka.