Xildhibaanada Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaliya ayaa Maanta waxaa ay yeelanayaan mid ka mid ah kulamadoodii caadiga ahaa,kaasi oo ka furmaya Xaruntooda Golaha Shacabka ee Magaalada Muqdisho.
Xubnaha Golaha Shacabka ayaa loo diray fariin lagu ogeynsiinayay Ajendaha kulanka maanta xubnuhu ku yeelanayaan xaruntooda waxaana lagu yiri. “Xildhibaanada Golaha Shacabka aya maalinta beri ah cod u qaadaya hindise sharciyeedka dhismaha guddiyada la dagaalanka musuq maasuqa.â€
Kulankii Xildhibaanada Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka ay yeelan lahaayeen Maalintii sabtida aheyd ee la soo dhaafay ayaa waxaa uu u baaqday sababo la xiriira Kooram la’aan.
Guddoomiyaha Golaha Shacabka Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan ayaa amray in Guddiga anshaxa loo gudbiyo xildhibaanada fasax la’aanta uga maqan kulamada Golaha Shacabka.