Xildhibaanada Golaha Shacabka ayaa Maanta oo ay taariikhdu ku beegan tahay 3-da bisha November 2018 kulan ku yeelanaya xarunta golaha Shacabka ee Muqdisho.
Ajendaha kulanka ayaa Maanta ayaa ah labo qodob kala ah.
- Aqrinta koowaad ee hindise sharciyeedka xuquuqda liil tirka siyaasiyiinta dowladda federaalka Soomaaliya.
- Sii wadista codeyn ansixin horudhac ah wax ka badalka xeer hoosaadka golaha shacabka.
Xildhibaanada ayaa weli waxa ay wadaan Dooda codeyn ansixin horudhac ah wax ka badalka xeer hoosaadka golaha shacabka,iyada oo Arbacadii la soo dhaafay ay siwyen uga doodeen.