Xildhibaanada Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa Maanta oo Sabti ah la filayaa in kulankoodii caadiga ahaa ay ku yeeshaan Xarunta Villa Hargeysa ee Magaalada Muqdisho.
Ajendaha Kulanka Maanta ee Xildhibaanada ayaa waxaa uu yahay Akhrinta 3aad ee Hindise Sharciyeedka Doorashooyinka Qaranka, kaasi oo maalmihii dambe Xildhibaanada ay ka doodayeen.
Xildhibaanada ayaa xalay waxaa loo diray fariimo lagu wargelinayo inuu jiro kulan xasaasi ah, isla markaana looga baahan yahay inay soo xaadiran kulankaas.
Guddoomiyaha Golaha Shacabka Maxamed Mursal Sheekh C/raxmaan ayaa waxaa uu sheegay in Xildhibaanada labada Aqal ee Baarlamaanka ay ansixin doonaan inta uusan dhamaan sanadkan 2019-ka oo maalmo kooban ka harsan yihiin.
Si kastaba Beesha Caalamka ayaa dowladda Federaalka Soomaaliya ka dalbatay in Xildhibaanada Baarlamaanka ay si degdeg ah ku ansixiyan sharciga Doorashooyinka qaran.