Xildhibaanada Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa kulan muhiim ah waxa ay ku yeelanayaan Xarunta Golaha Shacabka ee Magaalada Muqdisho.
Ajendaha kulanka Xildhibaanada Maanta oo ay taariikhdu ku beegan tahay 13-ka bisha April 2019, ayaa waxa uu yahay ka doodista amniga Qaranka oo muddooyinkii la soo dhaafay ay ka dhaceen falal amnidarro.
Xildhibaanada Golaha Shacabka ayaa sabtidii la soo dhaafay su’aallo xaalada amniga dalka wax ay ka weydiin lahaayeen Mas’uuliyiinta amniga dowladda Soomaaliya,hayeeshee kulankaas ayaa waxa uu u baaqday buuq hareeyay,kadib markii qaar kamid ah Xildhibaanada ay diideen in Kulanka si toos ah warbaahinta u tabiso,halka qaar kalena ay ogaaleen.
Xildhibaanada Golaha Shacabka Baarlamaanka Soomaaliya ayaa xalay waxaa loo diray fariimo ku aadan in Maanta kulanka uu jiro,isla markaana ay soo xaadiraan kulankaasi.
Ciidamo ka tirsan kuwo Booliska Soomaaliya ayaa saakay xiray Wadooyinka soo gala iyo kuwa kabaxa Xarunta Golaha Shacabka ee Muqdisho,iyadoona amniga aad loo adkeeyay.