Xarunta Villa Hargeysan ee Magaalada Muqdisho ayaa haatan waxaa kulan uu uga socdaa Xildhibaanada Golaha Shacabka Baarlamaanka Soomaaliya.
Kulanka oo ahaa midkii 7-aad ee Kalfafhiga 6-aad ee Golaha ayaa waxaa soo xaadiray 140 Xildhibaan, isla markaana waxaa Shir Guddoominaya Guddoomliye Cabdi Sheekh Ibraahim Muudey.
Ajendaha kulankan ayaa ka kooban dhowr qodob, kuwaasi oo kala ah
3-Akhrinta 1aad Hinduse-Sharciyeedka Qareenada Soomaliyeed
Akhrinta 1aad Hindise-Sharciyeedka Notaayadda Dadweynaha
U Codeynta Xusaab Xirka Miisaaniyada 2017 iyo Sii Wadida Ka Doodista Maxdarka Xildhibaanadda.
Intaas kadib Xildhibaanada Golaha Shacabka ayaa U Codeeyey Xisaab Xirka Miisaaniydadda Dowladda ee Sanadkii 2017.
Natiijada Cod U Qaadista Ayaa U Dhacday Sidan:
128-Xildhibaan ayaa Ogolaatay
8-Xildhibaan ayaa diiday
5-Xildhibaanna waa ay ka
Aamustay sidaas ayuu ansax ku noqday
Guddomiyaha Guddiga Maaliyada Xildhibaan Maxamuud Siraaji Ayaa Mudanyasha Golaha U Mahadceliyey.