Xarunta Villa Hargeysa ee Magaalada Muqdisho ayaa waxaa ka socda kulanka Xildhibaanada Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.
Kulanka ayaa waxaa Shir Guddoominaya Guddoomiyaha Golaha Shacabka Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan iyo Guddoomiye ku-xigeenka labaad ee Golaha Mahad Cabdalla Cawad, isla markaana waxaa Goobjoog ka ah 56 Xildhibaan.
Ajendaha ayaa waxaa uu yahay.
1-Furitaanka Ayaadaha Quraanka Kariimka
2-Ansixinta Ajendaha
3-U Codeynta Sharciga Maareynta Maaliyadda Guud PFM
4-U Codeynta Sharciga Shirkadaha
5-Qeybinta Warbixinta Guddiga ee Odoraska Miisaaniyadda Qaranka ee Sanadka 2020-ka
6-Qeybinta Heshiiska Aasaasida Wakaaladda Damaanad Qaadka Maal-gashiga
Ugu Horeyntii Mudanayaasha Golaha Shacbka Baarlamaanka ayaa cod u qaaday Sharciga Maareynta Maaliyadda Guud PFM.
Waxaa Ogalaatay 148 Mudane, Waxaa Diiday 6, waxaana ka aamustay 2 sidaas Darteed Sharciga sidaas ayuu ansax ku Noqday.
Dhanka kale Mudanayaasha Golaha Shacabka BJFS aya sidoo kale Cod u Qaaday Sharciga Shirkadaha waxa Ogalaatay 156, wax Diiday majirin, wax ka aamusay Ma Jirin Sidaas Ayuu Ansax Ku Noqday Sharciga Shirkadaha.