Magaalada Dhuusamareeb ayaa waxaa haatan kulan aan horey loo sii qorsheyn uga socdaa Xildhibaanada Cusub ee Baarlamaanka labaad ee dowlad Goboleedaka Galmudug.
Ajendaha kulanka Xildhibaanada ayaa waxaa uu yahay ansixinta Jadwalka Doorashada Madaxweynaha Galmudug iyo Madaxweyne ku-xigeenada Galmudug oo saacad kahor ay soo saareen Guddiga Doorashada.
Fadhiga uu kulanka ka socdo ayaa warar laga helayo waxaa ay sheegayaan inay ku sugan yihiin 62 Xildhibaan oo kamid ah Baarlamanka Galmudug, halka ay gebi ahaan ka maqan yihiin 20-ka Xildhibaan ee Ahlusunna Waljameeca iyo kuwa kale.
Warar soo baxaya ayaa sheegaya in Xildhibaanada Ahlusunna ee ugu jira Guddiga doorashada ay ka horyimideen Guddoonka Guddiga Doorashada Madaxweynaha iyo Madaxweyne ku-xigeenada Galmudug ee Maanta la doortay.
Wararka ayaa intaas ku daraya in Ahlusunna ay dalbadeen in la siiyo Guddoomiyaha Guddiga Doorashada Madaxweynaha Galmudug, hayeeshee taasi aysan dhicin.