Xildhibaanada Cusub ee Baarlamaanka labaad ee dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa kulankii ugu horreeyay ku yeeshay Magaalada Baydhabo ee Xarunta Gobolka Baay.
Ajendaha kulanka Xildhibaanada Baarlamanka ayaa waxaa uu ahaa ansixinta Guddiga soo diyaarinaya Doorashada Guddoomiyaha Baarlamaanka Koonfur Galbeed iyo ku xigeenadiisa.
89 Xildhibaan ayaa kasoo qeyb galay kulanka, iyagoona meel-mariyay Guddi ka kooban 15 xubnood oo Xildhibaanada ka mid ah kuwaas oo soo diyaariyaha Doorashada Guddoonka oo dhawaan la filayo inay ka dhacdo Baydhabo.
Xildhibaanada Cusub ee Baarlamaanka Koonfur Gabeed ayaa maalmo kahor la dhaariyay, waxaana horyaalla shaqooyin badan oo laga doonayo inay qabtaan oo ay ugu horreeyso Doorashada Guddoonka Baarlamanka.