Guddiga joogtada ee Aqalka sare ee Baarlamaanka Federaalka ayaa Maanta waxa ay kulan ku yeesheen Xaruntooda muqdisho,iyaga oo kaga hadlay xiisada Siyaasadeed ee ka taagan dalka ee sababtay khilaafka Gudoonka Golaha Shacabka Soomaaliya.
Kulanka oo ahaa mid Saxaafada banaanka ka joogtay ayaa waxaa aad loogu lafa guray xiisada dalka ka jirta iyo sidii xal looga gaari lahaa khilaafka Gudoonka Golaha Shacabka kaas oo sababay in ay kala qeyb samaan Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya.
Xoghayaha guud ee Aqalka Sare Soomaaliya Cali Maxamed Jaamac ayaa markii uu soo dhamaaday kulanka,isaga oo Saxaafada uga warbixinayay waxa uu sheegay in la Magacaabay Gudi ka kooban 7 xubnood oo uu Guddoomiye u yahay Guddoomiyaha Aqalka Sare Cabdi Xaashi Cabdullaahi si loo xaliyo xiisada taagan.
Sidoo kale Guddiga joogtada ee Aqalka sare ee Baarlamaanka ayaa soo jeediyay in xasiloonidii iyo degenaanshaha Golaha shacabka la soo celiyo.
Magacaabista Gudiga ka shaqeyn doono xalinta khilaafka Baarlamaanka iyo Xukuumadda ayaa ku soo aadayax ili goordhow ay Muqdisho ku shireyn tiro Xildhibaano ah kuwaas oo Gudoomiye Jawaari ka dalbaday in uu is casilo.