Xildhibaan Mahad Salaad oo ka mid ah mudanayaasha baarlaamaanka ayaa ka hadlay xilka qaadistii xalay ay ku sameeyeen golaha wasiirada hanti dhowraha guud ee qaranka Dr. Nuur Faarax Jimcaale.
Xildhabaanka ayaa go’aan siyaasadeysan ku tilmaamay xilka qaadista hanti dhowrka oo uu sheegay in lagu deg degay, islamarkaana la baalmaray sharciga.
Mahad salad ayaa si kooban uga hadlay arrintaasi, kadib qoraal uu soo dhigay bartiisa Facebooka, waxaana uu kaga hadlay sida uu arko go’aanka ka soo baxay golaha wasiirada oo uu xusay in la siyaasadeeyey kiiskaasi, laguna xad gubay sharciga sida uu hadalka u dhigay.
Ilaalada hanti dhowraha  Dr. Nuur ayaa ku eedeysan dilka wasiirkii howlaha guud oo habeen ka hor toogasho lagu dilay Muqdisho, waxaana go’aanka xilka qaadista ka horyimid hanti dhowraha oo sheegay inaysan golaha wasiiradu ka qaadi Karin xilka, islamarkaana sharci daro ku tilmaamay go’aankii xilka looga qaaday.