Senoter Yuusuf Geelle Ugaas Dhageey oo ka tirsan Golaha Aqalka Sare Baarlamaanka Soomaaliya ayaa ka hadlay Dil Maanta Askari ka tirsan Ilaaladiisa uu Dhuusamareeb ugu geystay Wiil dhalinyaro oo Caan ka ah halkaas.
Senoter Dhageey ayaa marka hore tacsi u diray Qoyska, Ehelada iyo ummada Soomaaliyeed ee uu ka baxay Marxuum shaafici Xaaji Diiriye oo si bareer ah uu u toogtay Askari kamid ah ilaaladiisa.
Waxaa uu sheegay Senoter Yuusuf Geelle Ugaas in laamaha amniga dowladda Federaalka ee ku sugan Dhuusamareeb uu ku wareejiyay Askarigii dilay Marxuum shaafici Xaaji, si cadaalada loo marsiiyo.
“Alle ha u naxariisto shaafici Xaaji Diiriye oo ku geeriyooday maanta Dhuusamareeb, waxaan kaga tacsiyeeynayaa geerida Marxuumka, qoyskiisa, eheladiisa iyo dhammaan Ummadda Soomaaliyeed. Ugu dambeyn waxaan halkaan ka cadeeynayaa in aan hay’adaha amniga ku wareejiyay falkaa foosha xun cidii u geysatay marxuumka cadaalada loo marsiin doona” ayuu yiri Senotar Dhageey.
Si kastaba dilka loo geystay Shaafici Xaaji Diiriye ayaa waxaa ka hadlay Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya iyo xubno kale, iyagoona dalbaday in Askarigii ka dambeeyay falkaas sharciga la horgeeyo.