Cabaas Sheekh Maxamed oo ah Xildhibaan Kenyan laga soo doorto Bariga Wajeer ayaa sheegay inuu doonayo in Xuduudka Somalia iyo Kenya u furnaado Dhaqdhaqaaqa Xorta ee Badeecadaha iyo Adeegyadda.
Xildhibaanka oo maanta oo Jimco ah Khadka Telefoonka kula hadlay Wargeyska The Star waxa uu tilmaamay in xuduudka haatan xiran uu horseeday inay Kenya soo galaan Alaabta Kontorobaanka iyo Hubka sharci-
Waxa uu ku booriyey Dowladda Kenya in la dhiso Xafiisyadda Canshuuraha, Socdaalka iyo Hay’addaha kale si loo hubiyo, loona canshuuro Badeecadaha Kenya kaga soo gudba Xuduudka Somalia oo dhererkiisu dhan yahay in ka badan 800 oo Kiilomitir.
Xildhibaanka ka tirsan Barlamaanka Kenya waxa uu hoosta ka xariiqay in la oggolaado Dhaqdhaqaaqa Ganacsiga Xorta, iyadoo la hubinayo Badeecadaha ka soo gudbayo Xuduudka Somnalia.
Degmadda Wajeer Bari waxay ku taallaa Xuduudka aysan cidna maamulin (unmanned Border) ee u dhexeeya Kenya iyo Somalia.
Dhinaca kale, waxaa la rumeysan yahay in Malaayiin Shillinka Kenya ka soo xeroodaan Badeecadaha Sonkorta iyo Dharka ee sida Kontorobaanka Kenya uga soo gala Xuduudka Somalia, gaar ahaan Kontoroolka Xero Milliteri oo ku dhow Deegaanka Gerille oo 20-KM u jira Xuduudka.
©Radio Dalsan