Xildhibaan C/qaadir Faarax Bootaan ayaa ku geeriyooday Isbitaal ku yaalla caasimadda dalka Kenya ee Nairobi, sida ay inoo xaqiijiyeen Mas’uuliyiin jaal la ah Marxuumka.
Allaha U Naxariistee Marxuum Bootaan ayaa xaallad Daawayn ah ugu jiray Isbitaal ku yaalla Nairobi, kadib, markii uu bishan March 8-dii ku dhaawacmay qarax loogu rakibay gaarigiisa, xilli uu ku sugnaa magaalladda Gaalkacyo.
Maydka Marxuumka ayaa la filayaa in loo soo duuliyo Puntland, si loogu aaso magaalladda Gaalkacyo.
Marxuumka ayaa noqday Xildhibaankii ugu horreeyey ee ka tirsan Barlamaanka Maamulka Puntland ee u geeriyooda dhaawacyo ka soo gaaray qarax miino.
©Radio Dalsan