Allaha u Naxariistee waxaa Gudaha Magaalada Muqdisho ku geeriyooday Xildhibaan Cabdi Kariim Maxamed Cusmaan Ciiro oo ka mid ahaa Xildhibaanada Baarlmanaanka Dowlad goboleedka Galmudug.
Marxuumka ayaa geeridiisa waxaa Dalsan u xaqiijiyay ehelkiisa kuwaas oo sheegay in maalmahaan uu xanuunsanaa sidaasna uu ugu dambeyn u geeriyooday.
Ehelkiisa ayaa waxa ay sidoo kale Dalan u sheegeen in Maanta Marxuumka la’aasi doono.
22 Bishii November  ee Sanadkii tegay ee 2017 ayaa waxaa Muqdisho lagu dilay Xildhibaan Maxamed Cabdi Guuleed oo ka mid ahaa xildhibaanada Galmudug kadib markii ay rasaas ku fureen ilaalada Xildhibaan Maxamuud Abuukaate oo ka tirsan xubnaha Golaha Shacabka Soomaaliya.