Wararka aan ka heleyno qeybo ka mid ah gobolka Mudug ayaa waxa ay sheegayaan in halkaasi Maanta ay ka taagan tahay xiisad dagaal oo u dhaxeysa laba Maleeshiyo Beeleed.
Maleeshiyaadkaan ayaa ka soo kala jeeda maamulada Puntland iyo Galmudug,waxa ayna ka taagan tahay tuulooyin ka mid ah Godod ee Gobolkaasi Mudug.
Qaar ka mid ah dadka deegaanka Godod,ayaa waxa ay Radio Dalsan xarunta Muqdisho u sheegeen in halkaasi ay ka jirto hub aruursi islamarkaana ay cabsi soo wajahday lagana cabsi qabo in ay wada dagaalamaan.
Xiisadaan ayaa salka ku heysa arin la xiriirta xoolo horay loo kala dhacay,waxaana jirin cid ilaa iyo haatan wada waan waan ku aadan in dadkaas lakala dhexgalo.