Xiisad dagaal oo u dhexeeysa Ciidamada maamulka Puntland iyo kuwa Soomaaliland ayaa saakay waxaa ay ka taagan tahay deegaano ka tirsan Gobolka Sool oo labada dhinac ay ku wada sugan yihiin.
Warar la helayo ayaa sheegaya in xiisadan ay timid kadib markii Ciidamo ka tirsanaa Puntland ay dhawaan ku biiray dhanka Soomaaliland ay la wareegeen deegaanka Boocame ee Gobolka Sool oo markii hore ay ugu sugnaayeen.
Ciidamo badan oo ka kala yimid deegaano ka tirsan Puntland watayna gaadiidka dagaalka ayaa saacadihii lasoo dhaafay gaaray qeybo kamid ah Gobolka Sool, waxaana Somaliland iyo Puntland halkaas ay k wadaan dhaq-dhaqaayo Ciidan.
Dadka deegaanka ayaa soo sheegaya inay dareemayan Cabsi ku dagaal inuu dagaal ka qaraxyo Gobolka oo u dhexeeya Ciidamo kala taabacsan Puntland iyo Somaliland, maadama ay labada wadaan dhaq-dhaqaayo xoog le.
Si kastaba 130 Askari oo ka tirsanaa Puntland ayaa maalmo kahor ku biiray Soomaaliland, waxaana xaflad soo dhaweyn ah loogu sameeyay Magaalada Laascaanood ee Xarunta Gobolka Sool.