Madaxweynaha Dowlad-gobaleedka HirShabelle, Cali C/llaahi Cosoble iyo Ku-xigeenkiisa, Cali C/llaahi Xuseen Guudlaawe ayaa lagu soo waramay inuu soo kala dhex galay Khilaaf xooggan oo ku aadan Magacaabista Golaha Wasiiradda ee Maamulkaasi.
Ilo-wareedyo lagu kalsoon yahay ayaa u sheegay Radio Dalsan inuu Madaxweyne Cali C/llaahi Cosoble go’aansaday in inta badan Wasiiradda HirShabelle noqdaan kuwo ka soo jeeda Beelaha deggan Gobalka Hiiraan, inkastoo uu Madaxweyne-ku-xigeenkiisa, Cali Guudlaawe  ka biyo diidsan yahay arrintaasi, kuna baaqay in la isku dheeli-tiro Wasiiradda cusub oo laga soo wada xulo Goballadda Sh/dhexe iyo Hiiraan.
Madaxweyne Cali C/llaahi Cosoble ayaa shalay dib ugu laabtay Caasimadda Hirshabelle ee Jowhar, si uu ugu dhawaaqo Golaha Wasiiradda ee Maamulkaasi, balse la hakiyey kadib, markii ay soo baxeen Khilaafka Awood-qeybsiga xubnaha Golaha Wasiiradda ee la dhisayo.
Xiisadda Siyaasadeed ee ka taagan Jowhar ayaana cirka isku sii shareertay, mana muuqato kaalintii Dowladda Federalka Somaliaee ay ku dhexdhexaadin jirtey Khilaafka soo kala dhex gala Madaxda Maamul-gobaleedyadda.
Khilaafka Madaxda HirShabelle ayaa horseedi karta inuu Maamulkaasi noqdo mid kala qeybsan, iyadoo la og yahay Hannaankii lagu soo dhisay Maamulkaasi.
Si kastaba ha ahaatee, Maamulka Hirshabelle oo keliya ma aha Maamulladda  uu Khilaafka ka taagan yahay, balse, Khilaaf ka sii daran ayaa waxa uu ka dhex aloosan yahay Maamulka Galmudug, iyadoo ay Xildhibaanadda Barlamaanka Galmuddug horey ugu dhawaaqeen inay xilka ka qaadeen Madaxweynaha Maamulkaasi, C/kariim Xuseen Guuleed, isla markaana ay dooran doonaan Madaxweyne cusub isla marka Ra’isul-wasaaraha Xukuumadda Federalka la soo magacaabo.
©Radio Dalsan