Xiisad ka dhalatay Shaqa joojintii lagu sameeyay Xoghayihii Joogtada ee Wasaarada Arrimaha Gudaha
Xiisad ayaa ka dhalatay Warqadii ka soo baxday Xafiiska Wasiirka arimaha gudaha Soomaaliya taas oo ku aadaneed Shaqa joojin lagu sameeyey xohayihii Wasaarada Arimaha gudaha Soomaaliya Yaxye Cali Ibraahim.
Warqad ka soo baxday Xafiiska Wasiiru dowlaha Wasaarada arimaha gudaha Soomaaliya C/llaahi Faarax Wehliye ayaa lagu sheegay in xilka qaadistaas ay tahay mid Sharcidaro ah islamarkaana ay aheyd in la marsiiyo xafiiska Ra’iisul Wasaaraha lana horgeeyo Golaha Wasiirada kadib markii ay ansixiyaana ay ku soo baxdo Xeer Madaxweyne.
Dhinaca kale Wasiir kuxigeenka Wasaaradda Arrimaha Gudaha Cali Sheekh Maxamed Nuur ayaa isha dhankiisa waxa uu sheegay in xilka qaadistaas ay tahay mid kahor imaaneysa Dastuurka dalka.
Hoos Ka Akhriso labada Wareegto eek a soo kala baxay Xafiiska Wasiiru dowlaha Wasaarada arimaha gudaha Soomaaliya iyo Wasiir kuxigeenka Wasaaradda Arrimaha Gudaha.