Wararka aan ka heleyno degmada Raage-ceelle ee Gobolka Shabeellaha Dhexe ayaa waxaa ay sheegayaan in xiisad u dhexeeysa Ciidanka Maamulka degmadaas iyo rag hubeysan oo maleeshiyaad ah ay Maanta ka taagan tahay Raage-ceelle.
Xiisadaan ayaa daba socota iska horimaad sababay khasaaro dhimasho iyo dhaawac oo shalay Raage-ceelle ku dhexmaray Ciidamo taabacsan Guddoomiyaha degmadaas iyo ragga hubeysan ee maleeshiyaad ah, waxaana halkaas ku dhintay laba ruux.
Dad ayaa waxaa ay ku warrameen in xiisadan ay salka ku heyso muran ka dhashay lacago laga qaado gaadiidka safarka ah ee mara Raage-ceelle, iyadoona la tilmaamay in maleeshiyaadka ay dalbadeen in wax laga siiyo lacagtaas, balse uu Maamulka ka diiday.
Xiisada u dhaxeyso labada dhinac ayaa wali ka taagan gudaha degmada, waxaana laga cabsi qabaa in markale uu halkaas ka dhaco dagaal khasaara geysta oo dhexmaray Ciidanka dowladda ee Maamulka degmada iyo maleeshiyaadka hubeysan.
Weli ma jiro wax war ah oo kasoo baxay Maamulka Gobolka iyo Waxgaradka degmadaas oo ku aadan xiisada iyo dagaalkii shalay halkaas ka dhacay ee khasaaraha dhaliyey, sidoo kalena Maamulka Gobolka ayaa ilaa iyo hadda kasoo hadlin falkaas.