Xiisadaan dagaal ayaa waxa ay u dhaxeysaa laba maleeshiyo beelood oo dhawaanahaan ku dagaalamayey deegaan duleedka ah Magalada Kismaayo ee Xarunta Gobolka Jubbada Hoose.
Labada maleeshiyo ayaa waxa ay iskuhor-fadhiyaan deegaan lagu Magacaabo Dalsan oo 25km u jira Magalada Kismaayo,waxaana lagu soo waramayaa in shalay dagaal culus uu deegaankaas ku dhexmaray.
Dadka deegaanka lagu dagaalamay ayaa Dalsan waxa ay u sheegeen in saakay ay maqlayeen rasaas goos goos ah oo labada dhinac ay isku-radayaan,isla markaana ay cabsi soo wajahday.
Labada maleeshiyo ee dagaalamay ayaa dhawaan heshiis la kala dhex dhigay balse markale uu dagaalkooda dib u soo laba kacleeyey ,waxaana dagaaladii u dambeeyey ee deegaanka Dalsan ku dhexmaray labada maleeshiyo beeleed ku geeriyooday in ka badan 10 ruux.
Wararkii u dambeeyey ee Maanta nasoo gaaraya ayaa waxa ay sheegayaan in xiisad dagaal ay halkaasi ka jirto,isla markaana laga cabsi qabo in ay wada dagaalamaan maadaama labada maleeshiyo ay ishor-fadhiyaan.