Shalay waxaa duleedka degmada Balcad gaar ahaan tuulooyinka Daniga Baaloow iyo kala wareega waxaa ku dagaalamay Ciidamada dowladda iyo kuwa Al-Shabaab dagaalkaas oo geestay khasaaro dhimasho iyo dhaawac ah.
In kastoo Maanta ay xaalada degan tahay hadana waxaa Balcad iyo tuulooyinka hoostaga waxaa laga dareemayaa dhaq dhaqaaq Ciidan oo u dhaxeeyay Shabaab iyo Ciidanka dowladda.
Dadka ku nool Balcad ayaa waxa ay Dalsan u sheegeen in ay cabsi dareemayaan kadib markii Balcad ay soo gaareen Ciidamo farabadan oo ka tirsan dowladda kuwaas oo wata Gaadiidka dagaalka.
Xaalada ayaa ah mid cakiran waxaana Go’day Wadada xiriirisa degmooyinka Afgooye iyo Balcad ee Gobolada Shabeellaha Dhexe iyo Shabeellaha Goose.
Maamulka degmada Balcad iyo Saraakiisha Ciidamada ayaaba weli ka hadlin dagaalkaas iyo khasaaraha ka dhashay walow Al-Shabaab dhankooda ay ka hadleen.