Xiisad dagaal ayaa ka taagan degaanka xananbuure ee Gobolka Galgaduud, waxaana wararku sheegayaan in ay macquul tahay in saacad waliba uu halkaasi dagaal ka qarxo.
Wararku waxaa ay ku warramayaan in si weyn degaanka looga dareemayo saan-saan dagaal, iyadoo xiisaddu ay u dhaaxyso laba beelood o walaalo ah oo halkaasi wada dega.
Waxaa lasoo sheegayaa in Malleyshiyaad aad u hubeysan ay soo buuxdhaafiyeen degaanka, waxaana wararku intaas ku darayaan in labada dhinaca ay wadaan is abaabul dagaal.
Ciidan ka tirsan Dowladda Soomaaliya ayaa wada dhex-dhexaadin iyo sidii ay Colaaddaas u baajin lahaayeen, waxaana laga yaabaa in dagaalku qarxo maaddaama sida lasoo sheegayo ay labada dhinac dagaal usoo diyaar garooween.
Xiisadda dagaal ayaa salka ku haysa Aaanooyin qabiil oo horay u kala dhextaalay labada dhinac, waxaana la sheegay in horay ay usoo jiitamaysay arrintan la xariirta aanada.
Degaanno ka tirsan Gobolka Galgaduud ayaa waxaa tiro dhowr jeer ah horay uga dhacay dagal beeleedyo, iyadoo dowladda Soomaaliya iyo maamulka Galmudug ay ku guuleysteen in ay xaliyaan dagaaladaasi, balse waxaa hadda soo cusboonaaday dagaal beeleedyo kale oo salka ku ahya aanooyin qabiil.