Wararka naga soo gaaraya deegaanka Tukaraq ee Gobolka Sool ayaa waxa ay sheegayaan in Caawa halkaasi ay ka taagan tahay xiisad dagaal oo u dhaxeysa Ciidamada Maamulada Puntland iyo Soomaaliland.
Xiisadaan ayaa timid kadib markii maanta si kala gooni gooni ah labada Maamul ay Ciidamo u kala geeyeen halka ay isku hor-fadhiyaan Ciidamada labada Maamul,sida ay dadka deegaanka inoo sheegeen.
”Caawa cabsi ayaan dareemeynaa mararka qaar rasaas ayaa dhaceysa,haa maanta ciidamo badan ayaa soo gaaray tukaraq dadka horay ayay u barakaceyn anaga manaqaan meel aan aadno ayuu yiri qof ka mid ah dadka deegaanka tukaraq.
Sikastaba madaxda labada Maamula ayaa maalmahaan waxa ay hawada isku marsiinayeen hadalo sii huriyey colaada tukaraq,waxaana weli jirin cid sirasmi ah waan waan uga dhex wada labada maamul.