Wararka aan Caawa ka heleyno Magaalada Gaalkacyo ee Xarunta Gobolka Mudug ayaa waxa ay sheegayaan in Caawa halkaasi ka jirto xiisad dagaal oo u dhaxeysa laba maleeshiyo beeleed.
Xaafada Garsoor ee Magaalada Gaalkacyo ayaa waxaa lagu soo waramayaa in laga maqlayo rasaas Goos Goos ah oo ay isku ridayaan labada Maleeshiyo beeleed oo ka soo kala jeeda Maamulada Puntland iyo Galmudug.
Wariye Mahad Ameeriko oo ka mid ah Wariyaasha Magaalada Gaalkacyo ayaa soo sheegaya in beryahaanba ay jirta xiisadaas u dhaxeysay labada Maleeshiyo beeleed tan iyo wixii ka dambeeyay dagaalkii ka dhacay Bariga Gobolka Mudug.
Wararkii u dambeeyay ayaa waxa ay sheegayaan in xiisadu ay weli taagan tahay isla markaana mararka qaar ay rasaas ka dhaceyso Magaalada sidoo kalena ay jirto Cabdi soo wajahday dadka Shacabka ah.