Hay’adda Duullimaadka Rayidka Kenya ee (The Kenya Civil Aviation Authority) ayaa sheegtay inaysan Diyaaradaha Ganacsiga, kuwa Samafalka kuwa Diplomaasiyiinta iyo kuwa Hay’addaha NGO-yadda wax saamayn ah ku yeelanin Xayiraadda Qaadka, isla markaana ay si caadi ah isaga kala gooshaan dalalka  Kenya iyo Somalia.
Maareeyaha Waaxda Isgaarsiinta ee Hay’adda Duullimaadka Rayidka ee Kenya, Saalim Bakaari ayaa sheegay inay dhigooda dalka Somalia kala hadleen in dib loo garwaaqsado in la qaado Xayiraadda Diyaaradaha Qaadka, oo uu xusay inuu saa mayn adag u geystay Nolosha Beeralayda Qaadka ee Kenya.
Jimcihii la soo dhaafay, Afhayeenka Dowladda Kenya Eri Kiraithe ayaa sheegay inay socdaan dadaal lagu doonayo inay Dowladda Somalia xayiraadda ka qaado Diyaaradaha Qaadka Kenya keeni jirey Somalia.
Waxa uu tilmaamay inay Xayiraadaasi dhibaato Dhaqan-Dhaqaale soo gaarsiisay Beeralayda Qaadka.
“Waxaan la yaabanahay Xayiraadaasi oo aanan filaynin, laakiin waxaan haatan ka shaqeynaynaa sidii loo gaari lahaa Xal Diplomaasiyadeed†ayuu yiri Afhayeenka Madaxtooyadda Kenya.
Guddoomiyaha Ururka Beeralayda Qaadka iyo Ganacsatada ee Kenya, Dave Muthuri ayaa sheegay in ka badan 10 Tan oo Qaad ah oo diyaar u ah Ganacsi ku wada xayirn yihiin Meru iyo Nairobi.
Si kastaba ha ahaatee, Dowladda Federalka Somalia ayaa bishan September 6-dii si KMG u xayirtay Diyaaradaha Kenya ee Qaadka keeni jirey Somalia.
©Radio Dalsan