Madaxwayanaha dalka Xasan Shikh Maxamuud iyo wafdi Balaaran oo isugu jira xildhibaano iyo Wasiiro ayaa maanta ka qayb galay  ciyaar lagu xusayay sanad guuradi 72 ee ka soo wareegtay aasaaski ururka dhalinyarda Soomaliyeed SYL.
Ciyaartan oo ka tirsanayd horyaalka heerka kubada cagta Dalka ayaa dhex maraytay kooxaha Elman iyo Jeenyo waxayna labada koox dhanka kale ku loolamayeen koobka Maalinta dhalinyarda Soomaaliyeed 15 May.
Labada koox ayaa  soo bandhigay ciyaar wanaagsan oo  ay ka maqsuudeen madaxwaynaha iyo masuuliyiinti la socotay ee garoonka ku sugnaa.waxaana qaybta hore ee ciyarta ayaa lagu kalanastay 0-0 balse qaybta labaad ayaa Jeenyo laga saaray ciyaaryahanka No.10 Cabdicasis Catoosh taasoo Elman ka faaâ€iidaysan wadyay  waxaana waqtigii loogu talo galay ay ku soo idlaatay 0-0 gool kulaad loo dhigay waxaa 3-1 ay guusha ku raacday kooxda Jeenyo oo sidaa ku hanatay koobka 15 May.
kooxda Jeenyo ayuu koobkan u yahay sanadki labaad oo xiriir ah oo ay hananayso.
Dhanka kale waxa garoonka ka dhacay ciyaart orod ah oo 400 Mitir ah taasoo qayb ka ahayd Munansabada waxaana ku guulaystay Axmed Maxamuud oo kooxda Heegan ka socday .
Madawaynaha dalka Xasan Shiikh Maxamuud oo wajigisa farxad ka muuqatay ayaa tuuray gool ku laad oo isago dhaliyay  waxuuna koobki munaasabda gudoonsiiyay kabtanka kooxda Jeenyo Axmed Tahliil.
Madaxwaynaha  dalka ayay booqashadiisa garoonka Banaadir  u ahayd marki labaad u yimaado tan markii xilkan loo doortay 2012 ayaa shahaado sharaf ka gudoomay guddoomiyaha Xiriirka Soomaaliyeed ee kubadad cagta Cabdiqani Saciid Carab.