Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in muddada dhaqan galka dastuurka KMG ee dalka uu la dhammaanayo muddo xileedka Baarlamaanka 10-aad, xili shaqada Baarlamaanka ay ka harsan yihiin maalmo kooban.
Xasan Sheekh oo kamid ah Musharaxiinta Madaxweynaha ayaa Qoraal u diray Madaxweyne Farmaajo iyo Guddoonka labada Aqal ayaa ku wargeliyay in muddada dhaqan galka dastuurka KMG uu la dhamaanayo muddo xileedka Baarlamaanka.
Musharax Xasan Sheekh ayaa ka digay in dalka Soomaaliya uu dastuur la’aan noqdo, isla markaana waxaa uu baaq u diray Madaxda sare ee dalka, maadaama duruufaha jira aysan suurtagal ahayn in dastuurka afti dadweyne lagu meel-mariyo.
Sidoo kale Xasan Sheekh ayaa ugu baaqay Madaxda dowladda inay qaadaan tallaabooyin lagu xeerinayo oo looga hortagayo in dalku dastuur la’aan noqdo, sidoo kale ula teliyay Baarlamaanka labada Aqal inay isugu yimaadaan shir degdeg ah oo looga arrinsanayo dib u eegista ansixinta dastuurka, oo ay waajibaadkaas ugu gudbiyaan Baarlamaanka 11aad sanadka 2021 iyo afti dadweyne oo loo qabto dastuurka.
“Waxaan ummadda Soomaaliyeed la socodsiinayaa in muddada dhaqangalka dastuurka KMG ah ay la dhamaaneyso muddo xileedka baarlamaanka 10aad. Maadaama duruufaha jira owgood aysan suurtagal ahayn in dastuurka afti dadweyne lagu meel mariyo waxaan madaxda ugu baaqay in si degdeg ah loo qaado tallaabooyin lagu xeerinayo oo looga hortagayo in dalku dastuur la’aan noqdo†ayuu yiri Xasan Sheekh.
Waxaa kaloo Madaxweynihii hore ee dalka Qoraalkiisa intaas uu kusii daray “in labada aqal ee baarlamaanka federaalka Soomaaliya ay isugu yimaadaan kulan deg deg ah oo looga arrinsanayo dib-u-dhigista ansixinta kama dambeysta ah ee dastuurka KMG oo ay ugu gudbinayaan waajibkaas barlamaanka 11-aad ee 2021 iyo afti dadweyne oo loo qabto dastuurka – iyada oo aan waxba loo dhimeyn qodobka 36-aad, gaar ahaan faqradiisa 2-aad ee dastuurka KMG ah si looga badbaadiyo dalka xaaladda dastuur la’aanta ee ku soo wajahan maalmaha soo socda (ka hor dhamaadka bisha December, 2020) si waafaqsan qodobka 57-aad ee dastuurka KMG ah.â€
Qoraalka uu soo saaray Xasan Sheekh ayaa kusoo beegmay, xili dalka uu ku jiro marxad kala guur ah, isla markaana hadii dalka dastuur la’aan noqdo ay horseedi kartao xaalad halis ah, waxaana xusid mudan in muddo xileedka Baarlamaanka 10-aad uu ku egyahay 27-ka bishaan December 2020.
Hoos ka Akhriso Qoraalka uu soo saaray Xasan Sheekh Maxamuud.