Madaxweynihii hore ee Soomaaliya ahna guddoomiyaha xisbiga Midowga Nabadda & Horumarka UPD Xasan Sheekh Maxamuud iyo wakiilka Qaramada Midoobe u qaabilsan arrimaha Soomaaliya James Swan ayaa maanta kulan ku yeeshay Magaalada Muqdisho.
Xasan Sheekh iyo Jemes Swan ayaa ka wada hadlay xaaladihii ugu dambeeyay siyaasadda iyo amniga dalka Soomaaliya iyo arrimo kale.
Sidoo kale Madaxweynihii hore ee dalka iyo Wakiilka QM Jemes Swan ayaa Ra’yi is weydaarsi ka yeesheen arrimaha doorashooyinka 2020, nidaamka Federaalka, ilaalinta dastuurka iyo amniga guud ee dalka iyo dadka Soomaaliyeed.
Ugu dambeyntii labada Mas’uul ayaa isla la isla meel dhigay dhamaan qodobadii ay labada mas’uul kawada hadleen, ayadoona guul uu kusoo dhamaaday kulanka.