Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo booqasho rasmi ah oo afar cisho ah ku jooga dalka Eritrea ayaa booqasho ugu tagay ciidamada Soomaaliya ee tababarka u joogay dalkaas.
Madaxweyne Xasan oo uu weheliyo madaxweyanaha Eritrea ayaa salaan ka qaatay kumaan ciidamo Soomaali ah oo dalkaas tababar u joogay dhawaanahan.
Ciidamada ayaa madaxweynihii hore ee xilka dagay Farmaajo, markuu xilka wareejinayey wuxuu tiradooda ku sheegay shan kun oo askari.
Ciidankan ayaa waxaa ka taagnaa muran hareeyey badqabkooda iyadoo ay jireen warra suuqa la geliyey oo sheegayey in ay ka qayb qaateen dagaalkii Tigreega.
Si kastaba ha ahaatee lama oga waxa xigi doona ka dib booqashada madaxweynaha iyo goorta ay ciidamadaasi dalka dib ugu soo noqon doonaan.