Fataahada uu ka sameyay wabiga shabeele Magaalada Beletweyne iyo deegaanada hoos yimaado wuxuu saamayn ku yeeshay oo gabi ahaanba xarumaha waxbarashada maagalada Baladweyne iyo qeybaha kala dadku ka barakaceen.
Waxaa xirmay 86 dugsi oo ku yaalo degmada Beletweyne iyo tulooyinka ku hareeraysan, 27,500 ardayna waxay ka tageen dugsiyadii ay dhiganayeen. Taas oo la micno ah fatahaadii ugu saamaynta badnayd taariiqda inta la ogyahay.
Sidoo kale xafiiska wasaarada waxbarashada DG Hirshabelle ee degmada Beletweyne ayaa ka mid ah meelaha ay sida daran u saamaysay fatahaada wabiga shabelle.
Dhammaan ardaydii dugsiyada magaalada Baladweyne iyo deegaanada Hoos yimada ee ay saameyeen Fatahaada wabiga shabelle ayaa wali waxaa heesta dhibaatooyin saameyn ku yeeshay nolosha iyo tacliinta.
Waxaan inta badan bur buray xarumaha waxbarashada oo qaarkood biyuhu dhulka lasimeen taas oo xiligaan u baahan in dib u ha.
Wasaaradda waxbarashada marwalba waxa ay diyaar u tahay sidii ardayda Soomaaliyeed ay u heli lahaayeen waxbatasho dhameys tiran.