Xarumaha Ka-hortagga iyo Baaritaanadda Cudduradda ee dalka Maraykanka (The Centers for Disease Control and Prevention (CDC) waxay soo saareen Digniinta ku aadan inaan socdaal lagu tegi karin Somalia, sababo la xiriirta Cuddurka Dabaysha (Polio) oo dhawaan ka dillaacay Somalia.
Qoraala ka soo baxay Xarumaha  CDC waxaa lagula taliyey dhamaan Dhoofayaasha ku sugan Maraykanka ee doonaya inay u socdaalaan dalka Somalia inay si buuxda u qaataan Tallaalka looga hortegayo Cuddurka Dabaysha.
Dadka haysta dhalashadda Maraykanka ee doonaya inay Somalia joogaan wax ka badan 4 isbuuc waxay CDC sheegtay in laga doonayaa caddaymo muujinaya Tallaalka Cuddurka Dabaysha, iyadoo dadka waa weyn ee sida buuxda u qaatay Tallaalkaasi la siin doono hal dhibic ee Goojadda Dabaysha, ka hor intaysan u soo socdaalin Somalia.
Dhinaca kale, Qoraalka ka soo baxay Xarumaha Ka-hortagga iyo Baaritaanadda Cudduradda ee dalka Maraykanka (CDC) waxaa ku xuseen inay heleen warar ku adaan inuu Cuddurka Dabaysha ka dillaacay gudaha magaalladda Muqdisho iyo Goballadda Hiiraan iyo Sh/dhexe, waxayna ka digtay inuu cuddurkaasi si fudud ugu dhex faafi karo dadka aan laga tallaalin cuddurkaasi.
Qoraalka waxaa kaloo lagu muujiyey in Fayriska Cuddurka Dabaysha uu  keeni karo xanuuno badan oo waxyeello gaarsiiya Murqaha Neefsashadda, Maskaxda, xanuun qoorta, dhabar iyo gacmaha, qufac iyo khatar curyaanimo.
Xigasho: outbreaknewstoday.com