Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre ayaa qoyska, ehellada iyo guud ahaan ummadda Soomaaliyeed uga tacsiyeeyay Allaha u Naxariistee Abwaan Jaamac Kadiye oo lagu dilay duqeyn ka dhacday magaalada Laascaanood.
Ra’iisul Wasaaraha ayaa waxaa waxa uu sidoo kale ka tacsiyeeyay shacabka kale ee ku dhintay ama ku dhaawacmay duqeynta Laascaanood.
“Dilalka iyo duqeymaha loo geysanaayo aqoonyahanka, Abwaaniinta iyo guud ahaan ummadda Soomaaliyeed ma ahaan wax laga aqbali karo maamulka Soomaaliland waana dambi iyo jariimo aad u weyn†ayuu yiri RW Xamse Cabdi Barre oo Qoraal soo saaray.
Abwaanku wuxuu ahaa hal abuure iyo dhaqanyaqaan kaalin weyn oo mug leh ka soo qaatay suugaanta Soomaaliyeed, isla maraakana magac iyo sharaf ku lahaa bulshada Soomaaliyeed dhexdeeda.
Ra’iisul Wasaaruhu waxa uu Alle uga baryay Abwaanka iyo shacabka kaleba in uu ugu deeqo Janatul Fardowsa, sabar iyo iimaanna ka siiyo eheladii, saaxiibadii iyo dhammaan ummada Soomaaliyeed ee ay ka baxeen.