Madaxweynaha dowlad Goboleedka Hirshabeelle Maxamed Cabdi Waare, Madaxweyne ku-xigeenka Maamulkaas iyo Guddoomiye Sheekh Cismaan Barre ayaa xalay kulan ku yeeshay Magaalada Muqdisho.
Kulanka uu soo qaban-qaabiyay Madaxweyne Hirshabeelle Cali Xuseen Guudlaawe ayaa waxaa lagu soo afjaay Khilaaf muddooyinkii dambe u dhexeeyay Madaxweyne Waare iyo Guddoomiyaha Hirshabeelle Sheekh Cismaan Barre.
Afhayeenka Hirshabeelle Daa’uud Xaaji Cirro ayaa waxa uu sheegay in haatan si buuxda loo soo afjaray Khilaafkii dhex taagnaa Madaxda Hirshabeelle, isla markaana ay dardar leh ku socon doonaa shaqooyinka horyaalla maamulka.
Dhinaca kale Waare iyo Sheekh Cismaan Barre ayaa uga mahadceliyay Cali Guudlaawe kulankan muhiimka ahaa ee uu soo qaban-qaabiyay laguna soo afjaray wax kasto oo jiray.
Bilihii lasoo dhaafay ayaa waxaa jiray Mooshin ay qorsheenayeen in Xildhibaanada Hirshabeelle ay ka gudbbiyan Madaxweyne Cabdi Waare, iyagoona ku eedeeyay inuu gabay shaqadii maamulka Hirshabeelle.