Mas’uuliyiin kala duwan oo ka tirsan Maamulka Hirshabeelle ayaa maalmihii la soo dhaafay deegaanka lagu magacaabo Mareer ee hoostaga Degmada Jawiil ayaa waxaa ay ka wadeen Dadaallo Dib u heshiisiin ah oo lagu xallinayo laba Maleeshiyo beeleed oo halkaas ku dagaalamay.
Guddoomiyaha Gobolka Hiiraan Cali Maxamed Caraale, Wasiiro, Xildhibaano ka tirsan Baarlamanka Hirshabeelle, Saraakiil Ciidan iyo Mas’uuliyiin kale oo gaaray deegaanka lagu dagaalamay ayaa ku guuleystay inay kulamo gaar gaar ah la qaateen waxgaradka beelaha Walaalaha ah ee ay dirirtu dhex martay.
Agaasimaha Wasaaradda Warfaafinta Dhaqanka, Hiddaha iyo Dalxiiska ee Hirshabeelle Maxamed Kulmiye ayaa sheegay in wadahadallo dheer kaddib xal wanaagsan laga gaaray Colaadii ka jirtay deegaanka Mareero.
Sidoo kale Agaasime Maxamed Kulmiye ayaa waxaa uu sheegay in Odayaaasha Dhaqanka, waxgaradka, iyo qeybaha bulshada ay ka qeyb qaateen xal-raadinta iyo dhab-uheshiisiinta loo sameeyay beelihii dagaalamay.
Si kastaba dagaal beeleed dhawaan ka dhacay Gobolka Hiiraan gaar ahaan deegaano hoostaga Degmada Jawiil ayaa waxaa ka dhashay Khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac.