Wararka naga soo gaaraya gobolka Gedo ayaa waxa ay sheegayaan in Maalintii labaad uu xiran yahay Xadka u dhaxeeya Soomaaliya iyo Dalka Kenya dhanka Magaalada Balad Xaawo.
“Dhammaan Goobihii Ganacsiga ayaa xiran,mana jirto cid xadka ka soo gudbeysa iyo cid kasii baxeysa,dowladda Kenya ayaa xirtay oo dhul ballaarsi wada maalintii labaad ayuu xadka xiran yahay xataa Jaadkii ka imaan jiray Kenya lama keenin gobolka Gedo ayuu yiri mid ka mid ah dadka ku nool Magaalada Balad Xaawoâ€
Maamulka Magaalada Balad Xaawo ayaa dowladda Kenya ku eedeynaya in ay Kenya ku soo xadgudubta Dhulka Soomaaliya isla markana ay haatan wado dhul ballaaris una bsahan in laga hortago.
Muran dhanka xaduudka ah ayaa weli ka taagan Magaalada Balad Xaawo,waxana dowladda Kenya ay wadaa qorsho ay halkaasi derbi kaga dhiseyso,iyada oo horay u jirtay in Shacabka Magaalada Balad Xaawo ay ka hor tageen iyo in Madax ka tirsan dowladda Soomaaliya ay halkaasi tageen.
Muranka dhanka Xaduudka ah ee ka taagan gobolka Gedo ayaa mudo badan soo jiitamayay waxaana dowladda Kenya ay ku adkeysaneysaa in ay xadka derbi ka dhiseyso si amnigeeda u ilaaliso maadaama ay dagaal kula jirto Al-Shabaab.