Haweeneydaasi oo ka mid ahayd xaasaska Sheekh Maxamed Bin Rashiid Al-makhtuum oo ah Madaxweyne-ku-xigeenka iyo Ra’isul-wasaaraha dalkaasi iyo Xaakimka Imaaradda Dubai ayaa la sheegay inay ka baxsatay dalkaasi.
Haweeneydaasi oo lagu magacaabo Amiir Haya Bintu Xuseen ayaa waxaa la sheegay inay magangelyo ka raadinayso dal ku yaalla Qaaradda Europe, iyadooay la socdaan 2 carruur oo ay u dhashay Sheekh Maxamed Bin Rashiid Al-makhtuum.
Warbaahinta The Daily Beast ee dalka Maraykanka waxay qortay in Amiirada Haya Bintu Xuseen oo ay isku aabe yihiin Boqorka dalka Urdun, Cabdalla Xuseen Bin Dalaala ay la sheegay inay baxsatay wiilkeeda oo 7-jir ah iyo gabadheeda oo 11-jir ah.
Amiiradda oo haatan 45 jir ah waxaa la sheegay inay u baxsatay dalka Jarmalka, iyadoo horey u sii qaadatay lacag dhan 40 million oo Dollar, si ay nolol cusub ugu bilowdo.
Haweeneydaasi oo markii ugu war dambaysay bishii hore lagu arkay meel Fagaare dadweyne, ayaa la sheegay inay Jarmalka ka codsatay Magangelyo, lana oggolaaday codsigeeda.
Dowladda Jarmalka waxaa lagu tuhunsan yahay inay ku gacan-sayrtay codi uga yimid saygeeda, Sheekh Maxamed Bin Rashiid Al-makhtuum, kaasi oo dalbaday in xaaskiisa iyo carruurtiisa dib loogu soo celiyo magaalladda Dubai.
Diidmadaasi ayaana laga yaabaa inuu xiisad Diplomaasiyadeed ka dhex abuuro dowladaha Jarmalka iyo Imaaraadka Carabta.
Ma jiraan wax war xaqiijin ah oo ka soo kala baxay Dowladaha Jarmalka iyo Imaaraadka oo ku aadan inay baxsatay Haya Bintu Xuseen oo ka mid ah xaasaska Madaxweyne-ku-xigeenka Imaaraadka, ahna Ra’isul-wasaaraha iyo Xaakimka Imaaraadda Dubai.
Warar ayaa sheegaya inay Haya Bintu Xuseen haatan isku qarinayso goob sir ah oo ku taalla caasimadda dalka Britain ee London, iyadoo aysan Baraheeda Bulshadda yihiin kuwo hawada ka maqnaa tan iyo bishii Feberaayo ee sannadkan.
Haya Bintu Xuseen waxaa la soo werinayaa inay codsanayso inuu furo saygeeda oo ay is-guursadeen sannadkii 2004-tii muddo haatan laga joogo 15-sanno.
Amiirada waxay horey kaalin uga qaadan jirtay Hawlaha Samafalka, waxayna Danjire Niyad-wanaag u noqotay Barnaamijka Cuntada Adduunka ee WFP iyo Ururka Caafimaadka Xoolaha.
Bishii Maarso ee la soo dhaafay, waxaa aad u baahay War ku adaan in Amiirad Latifa oo uu dhalay Xaakimka Dubai iyo labo ka mid ah xaasaskiisa ay isku tijaabiyeen inay ka baxsadaan Imaaraadka, balse, waxaa la so oqabtay iyagoo markab ku maraya Badweynta Hindiya, waxaana dib loogu celiyey dalkooda hooyo.