Maamulka gobolka mudug ayaa sheegay in xaalado adag oo dhinaca nolosha ay ka taaganyihiin deegaano kamid ah gobolka, islamarkaana dadka ay haysato xaalad nololeed oo ay sababtay abaarta ka jirta gobolkaasi.
Gudoomiye ku xigeenka gobolka Mudug Axmed Maxamed Shire-qoodaar ayaa sheegay in adeegyada aas aasiga ah ee bulshada ka maqanyihiin gobolka,islamarkaana meesha ay ka baxeen tan iyo markii ay abaarta bilaabatay, waxaana uu xusay in xaalado caafimaad, biyo la’aan ay ka jirto deegaano kamid ah gobolka, oo uu ku baaqay in loo gurmado dadkaasi.
Xaalada nololeed dadka ku nool Mudug ayaa laga dayrinayey waayadaan,iyada oo lasoo warinayey dhacdooyin dhinaca nolosha,waxaana gobolkaasi uu ka mid yahay meelaha ugu daran ee ka jirto abaarta.