Deegaanka Bacaadweyne ee Koonfurta Gobolka Mudug ayaa laga soo warinayaa xaalado adag oo xagga nolosha ah, waxaana kordhay khasaaraha soo gaaray bulshada Deegaankaas.
Walaac xooggan ayaa ka soo yeeraya bulshada, taasoo la xariirta dhanka roob xooggan oo halkaa ka da’ay wali wax ka badan 500 oo qoys ayaa banaanka ka jooga deegaanka kaddib saamayn ka dhalatay roobkaas oo guriyihii qaar dumiyay halka inta hartayna biyo buux dhaafsheen.
Wasiir hore Galmudug Maxamed Soomali ayaa sheegay inay Bacadweyne ka jirto xaalad halis ah oo dhalin karta inay cuduro ka dilaacaan deegaanka, haddii aysan helin gurmad beni’aadannimo.
Bulshada qeybaheeda kala duwan ayaa ku baaqay in lala soo gaaro kaalmo dhinac kasta leh, maadaama ay heysato xaalado adag oo xagga nolosha ah.
Ilo xog-ogaal ah ayaa soo sheegaya in qoysas badan ay hooy la’aan heyso, maadaama guryahooda ay daadku qaadeen oo ay bur buriyeen, waxayna daris la noqdeen qoraxda iyo qabowga habeenkii.