Wararka Idaacada Dalsan ee Magaalada Muqdisho ay ka heleyso Magaalada Qardho ee Xarunta Gobolka Karkaar ee Maamulka Puntland ayaa waxaa ay sheegayaan in halkaas saacadihii lasoo dhaafay ay ka da’een Roobab xoogan oo mahiigaan ah.
Roobka oo socday saacado xiriir ah ayaa waxaa ka dhashay daad xoogan oo ku rogmaday xaafaddo ka tirsan Magaalada Qardho, isla markaana daadka uu sameeyn ballaaran ku yeeshay dadka shacabka ah ee halkaas kunool.
Sidoo kale daadka roobka ayaa waxaa ku dumay guryo badan oo ku yaalla Qardho, halka kuwo kalena laga cabsi qabo inay dumaan, waxaana biyaha Roobka laga badbaadiyay Caruur badan.
Wararka ayaa intaas kusii daraya in daadka Roobka uu qaaday gaadiid kala duwan oo isugu jiray nooca raaxada ah iyo mid kuwa Xamuulka qaado ah iyo agabyo kale oo ay lahaayeen dad-dan yar ah.
Maamulka Magaalada Qardho iyo kan gobolka Karkaar ee Puntland ayaa shacabka uga digay inay tagaan goobaha ay sida daran u buuxaan biyaha, iyagoona wada dadaalo kala duwan oo loogu gurmanayo dadkii uu sameeyay Roobka.