Shirka Mdasha Iskaashiga Soomaaliya ayaa maalintii labaad ka socda Magaalada Muqdidho,waxaana Shir Guddoominaya Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Xasan Cali Kheyre.
Shirka ayaa waxaa ka qeyb galaya oo ku sugan hoolka uu ka socdo in badan 50 Safiir oo ka socota dowladaha taageera Soomaaliya,qaar kamd Madaxda maamul Goboleedyada dalka,Gobolka Banaadir iyo Mas’uuliyiin kale oo ka tirsan dowladda Soomaaliya.
Madaxweynaha Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf ayaa Khudbad ka jeediyay Shirka Iskaashiga Soomaaliya ayaa waxaa uu sheegay in Shirka ay ka maqan yihiin saaxibo si aad ah ugu dhow oo ula jeedo Madaxweyneyaasha Jubbaland iyo Puntland.
Sidoo kale Madaxweyne Xaaf ayaa sheegay inuu rajo wanaagsan ka qabo in wadashaqeyn dhexmarto dowladda Federaalka Soomaaliya iyo maamul Goboleedyada dalka,isla markaana Somaliland ay kusoo biirto wixii ka dambeeya Shirkaan.
Dhinaca kale Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Fedetaalka Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa soo dhaweeyay Madaxweynaha Galmudug inuu Khudbad xasaasi ah ka jeediyo Shirka Iskaashiga Soomaaliya,isagoona tilmaamay in howlaha dhamaystirka Galmudug uu hogaamin doono Madaxweyne Axmed Ducaale Geelle Xaaf.